Filimka PagalPanti filim shactiro oo hadana dadka ka qoslisiin waayay iyo filimkaan mudo 5 maalmood ganacsiga uu sameeyay.

0
923

Filimka Pagalpanti waa filim Comedy ah waxaana la isugu keenay jilayaal badan sida John Abraham, Arshad Warsi, Anil Kapoor iyo kuwa kale waxaana tiyaatarada la saaray jimcadii lasoo dhaafay balse filimkaan ayaa durba Flop noqday maadaama uu Box Officeka ku fashilmay.

Filimka Pagalpanti ayaa maalintii shalay oo aheyd talaadadiisa koowaad soo xareeyay 2.35 crore wuxuuna markale sameeyay hoos u dhac taasoo sii xaqiijineyso in filimkaan yahay Big Flop.

Filimada Comedyga inta badan ma noqdaan kuwa lacagaha ugu badan soo xareeyo mana lamid ahan filimada qiirada leh iyo kuwa Actionka ah balse mararka qaar waa jiraan filimaan Comedy misna hirgala sida Housefull iyo Golmaal hadana filimka Comedyga inta badan inuu gadmo waxay ku xirantahay siduu dadweynaha uga qoslisiiyo oo hadii filim Comedy ah shaashada la saaro misna dadweynaha ka qoslisiin Karin ma jirto sabab qarash loogu bixiyo loona daawado waana arinta ku dhacday haatan filimka Pagalpanti.

Halkaan hoose kaga bogo filikaan iy mudo 5 maalmood lacagaha uu soo xareeyay;

Jimce; 5 crore.

Sabtid; 6.25 crore.

Axad; 8.25 crore.

Isniin; 2.50 crore.

Talaado; 2.35 crore.

Wadarta guud; 24.35 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here