Filimka Pagalpanti ayaa mudo sadax maalmood keenay ganacsi ka hooseeyo 20 crore waana arin aan la aqbali Karin isla markaasna filimkaan in badan hoos u dhigeyso ganacsigiisa wuxuuna filimkaan ka liitaa filimkii Marjaavaan ee todobaadkii hore sadaxdiisa maalin ugu horeeyo keenay 23 crore.

Pagalapanti dhibka ugu weyn wuxuu uga yimid sida uu ku furmay maalintiisii koowaad asigoona keenay kaliya 5 crore waana arin ganacsiga filimkaan curyaamisay isla markaasna cagaha ku dhagtay.

Pagalpanti shalay wuxuu keenay 8.25 waana lacag laga rabay inuu keeno maaliniisa koowaad balse wuxuu keenay maalintiisa sadaxaad oo axad nasasho guud jirto.

Halkaan hoose kaga bogo filimka Pagalpanti iyo mudo 3 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 5 crore.

Sabtid; 6.25 crore.

Axad; 8.25 crore.

Wadarta guud; 19.50 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here