filimka Pagalpanti oo todobaadkiisa labaad Box Officeka ku burburay iyo ganacsiga uu sameeyay sadaxda maalmood ugu horeyso todobaadkiisa labaad.

0
647

Filimka shactirada ah ee Pagalpanti ayaa todobaadkiisii labaad sadaxdiisa maalmood ugu horeyso ku burburay Box Officeka kadib markii uu filimkaan keenay 2.75 crore waana ganacsi burbur ah ayadoo filimka Frozen 2 oo filimkaan isku mar tiyaatarada lawada saaray uu maalintii shalay kaliya keenay 4.25 crore waana lacag ku dhawaad labal kabadan lacagta uu Pagalpnati soo xareeyay mudo 3 maalmood ah.

Filimkaan ayaa sidoo kale todobaadkiisii koowaad keenay ganacsi liito asigoona soo xareeyay 28.50 crore balse wuxuu kasii daray isbuuciisa labaad maadaama uu gabi ahaanba Boxka ku burburay wuxuuna haatan ganacsigiisa guud marayaa 31.35 crore.

Pagalpant cimri ahaantiisa ma dhaafi doono 35 crore waxayna tani ka dhigantahay in filimkaan la isugu keenay jilayaasha badan uu flop noqon doono.

Halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo mudo 10 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Todobaadkiisa 1aad; 28.59 crore.

Jimcadiisa 2aad; 60 lakh.

Sabtidiisa 2aad; 90 lakh.

Axadiisa labaad; 1.25 crore.

Wadarta guud; 31.34 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here