Kichcha Sudeep iyo Suniel Shetty filimkooda Pailwaan ayaa ganacsi wanaagsan sameeyay mudo labo todobaad ah wuxuuna ku gaaray darajada 50 Crore ganacsigiisa dib iyo dal uu sameeyay.

Filimka Pailwaan wuxuu HIT ka noqday deegaanka laga leeyahay Karnataka shirkadooda Kannada madaama uu halkaas kasoo xareeyay 39 Crore halka Hindiya inteeda kale ganacsi ahaan ku liito.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Pailwaan mudo labo todobaad ah ganacsiga uu suuq walbo ka sameeyay:

Gobolka Karnata – 39 Crore

Af Hindi – 2.70 Crore

Af Telugu – 2.90 Crore

Af Tamil – 1.40 Crore

Suuqyada caalamka – 4 Crore

Wadarta Guud ganacsigiisa dibad & dal – 50 Crore

Natiijadiisa – Average ( [Kannada: Hit; Hindi: Disaster; Telugu: Flop; Tamil: Disaster].

Filimka Pailwaan waxaa lagu qarash gareeyay 40 Crore balse kooxda cajaladaha qeybiyaan waxay ku iibsadeen 30 Crore gobolka Karnataka ayaa macaash xoogan laga helay inta kale wuu ka fashilmay.

Dhinaca kale qaar ka mid ah shirkadaha Kannada laga leeyahay waxay baahinayaan in filimka Pailwaan mudo labo todobaad ah 114 Crore kusoo xareeyay oo Blockbuster yahay balse xog dhameestiran ma ahan madaama aysan caddeyn suuq walbo lacagaha uu ka keenay waxaan sugeynaa kooxda iska leh filimkaan iyo marka ay si rasmi ah xogtiisa usoo bandhigaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here