Filimka Panga ayaa sii wato hoos u dhaciisa maalmaha shaqada wuxuuna sameynayaa ganasci bur bur ka muuqdo asigoona shalay soo xareeyay 1.20 crore.

Panga ayaa haatan ganacsigiisa marayaa 14.20 crore wuxuuna todobaadkiisa koowaad keeni doonaa qiyaas ahaan 16.50 crore halka cimri ahaantiisana lagu wado inuu keeni ganacsi u dhaxeeyo 20 ilaa 25 crore balse inuu gaaro 30 crore waa riyo.

Filimkaan ayaa lamid ah filimada Saand ki Aankh iyo Chhapaak waxaana dhamaantooda hogaamiye ka ah gabdho balse waxay ku dhaceen filimo waaweyn ayagoona Box Officekana ku fashilmay.

Halkaan hoose kaga bogo filimka Panga iyo mudo 5 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 2 crore.

Sabti; 4.25 crore.

Axad; 5.50 crore.

Isniin; 1.25 crore.

Talaado; 1.20 crore.

Wadarta guud; 14.20 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here