Filimka Panipat iyo mudo lix maalmood ganacsiga uu sameeyay kani wuu burburay.

0
1148

Filimka Panipat oo ay hogaamiyaal ka yihiin Arjun Kapoor, Kriti Sanon iyo Sanjay Dutt ayaa ganacsigiisii isbuuciisa koowaadba burburay markii loo fiiriyo lacagaha waalida ee filimkaan lagu qarash gareeyay iyo ganacsiga uu sameeyay.

Panipat ayaa shalay oo arbaco aheyd keenay 1.50 ilaa 1.75 crore ganacsi u dhaxeeyo wuxuuna sameeyay 25% hoos u dhac waxayna tani ka dhigantahay in isbuuciisa koowaad uu keeni doono qiyaastoo 25 crore.

Filimkaan cimri ahaantiisa ma dhaafi doono 30 crore waana Flop weyn hadaba halkaan hoose kaga bogo mudo 6 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 4 crore.

Sabti; 6 crore.

Axad; 7.50 crore.

Isniin; 2.50 crore.

Talaado; 2.25 crore.

Arbaco; 1.65 crore.

Wadarta guud; 23.90 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here