Filimka Panipat oo haadaan kasii dhacaayo iyo ganacsiga uu sameeyay mudo 3 maalmood ah.

0
1364

Filimka Panipat waxaa hogaamiye ka ah Arjun Kapoor iyo Kriti Sanon waxaana laadar ka ah Sanjay Dutt asigoona sida warar hordhac ah sheegayaan lagu qarash gareeyay in kabadan 80 crore hase yeeshee filimkaan ayay u muuqataa in todobaadkiisa koowaad uu burburi doono.

Panipat auaa maalintiisii koowaad keenay kaliya 4 crore wuxuuna maalintiisii labaad keenay 6 crore asigoona sare u kac weyn sameynin halka maalintii shalay ee axada aheydna sameeyay uu keenay 7.50 crore wuxuuna xitaa keeni waayay lacagaha filimka Pati Patni Aur Woh kaasoo maalintiisii koowaadba soo xareeyay 8.50 crore halka axadiisii koowaad keenay 13.50 crore.

Filimkaan haatan rajo weyn lagama qabo wuxuuna ku guuleysan karaa kaliya qaab mucjiso ah balse kooxda iska leh waa iney ku duceystaan khasaarihiisa inuu yaraado.

Halkaan hoose kaga bogo filimka Panipat iyo mudo 3 maalmood ganacsiga uu sameeyay.

Jimce; 4 crore.

Sabti; 6 crore.

Axad; 7.50 crore.

Wadarta guud; 17.50 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here