Filimka Pati Patni Aur Who iyo sadaxdiisa maalmood ugu horeeyo ganacsiga uu sameeyay filimkaan waa hirgalay.

0
884

Inaba caadi ma ahan ganacsiga uu sameeyay filimka Pati Patni Aur Woh kaasoo ah filim Romantic Comedy waxaana hogaamiye ka ah Kartik Aryan Bhumi Pednekar iyo Ananya Panday waxaana Director ka ah Mudassar Aziz.

Filimkaan ayaa wuxuu maalintiisii koowaad keenay 8.50 crore maalintiisii labaadna sare ukac macquul ayuu sameeyay asigoona keenay 11.50 blasé  maalintii shalay ayuu siweyn u gadmay asigoona halkiii ugu sareysay gaaray wuxuuna keenay 13.50 crore.

Filimkaan Pati Patni ayaa waxay ka dhigantahay in mudo 3 maalmood uu kusoo xareeyay 33.50 crore asigoona cagta mariyay rikoorkii filimka Luka Chuppi kaasoo horay u ahaa filimka lacagaha ugu badan usoo xareeyay Kartik Aryan sadaxdiisa maalmood ugu horeeyo asigoona keenay 32 crore balse filimka Pati Patni ayaa haatan ka saro maray.

Filimkaan ganacsigiisa halka uu higsanaayo iyo hadii uu Hit noqonaayo iyo hadii kale waxaa la ogaan doonaa maalmaha shaqada siduu isku celiyo laga bilaabo maanta oo isniin ah ilaa khamiista.

Hadaba halkaan hoose kaga bpgo lacagaha uu soo xareeyay filimkaan mudo 3 maalmood ah.

Jimce; 8.50 crore.

Sabti; 11.50 crore.

Axad; 13.50 crore.

Wadarta guud; 33.50 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here