Waxaa jimcihii tiyaatarada la saaray mashruuca xiisaha leh ee Pati Patni Aur Woh oo ya hogaamiyaal ka yihiin Kartik Aryan, Bhumi Pednekar iyo Ananya Panday waxuuna sameeyay filimkaan ganacsi heer sare ah maalintiisa kowaad.

8.75 Crore qiyaas ahaan ayuu keenay maalintiisa kowaad waxuuna sidaas ku noqday Kartik Aryan filimkiisa ugu bilaawashada wanaagsan xitaa waxuu garaacay Luka Chuppi oo Kartik aflaamtiisa hogaanka u hayey 9 bil kahor ayaana la daawaday.

Mashruucan waxuu ganacsi wacan ka sameeynayaa Delhi iyo hareeraheeda waxuuna maalintiisa kowaad kaliya ka keenay 2 Crore waana ganacsi aad u badan sida guud waa dib u sameeynta filim la dawaday 1978 oo isla magacan watay waxuuna ku xeen daabnaa suuqyada Mumbai oo kaliya inuu ka gadmo.

Laakiin midkaan India qeybo badan ayuuba ka gadmayaa suuqyada Mumbai wuu ka talaabsaday waxaana muuqata in sifiican loo soo dhaweeyo aan sugno seddexdiisa maalmood ugu horeysay lacagaha uu keeno xaqiiq ahaanse Kartik waa talaabsaday marba hadii filimkiisa maalinta kowaad 8 Crore ka badan soo xareeynaayo waa iskoor.

Muuqaalkan hoose ka daawo macluumaadyo kale oo ku xiiso galin doonaan:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here