Shabakada Boxoffice India (BOI) waxay sixitaan ku wadaa filimadii soo baxeen sanadii 2018 xogtooda oo dhameestiran ayadoo keedkeeda ku diiwaan galineyso waxaana la saxayaa ganacsigooda dibad & dal oo 100% la fariisiyay, tiriada tikit u goosatay iyo macluumaad kale oo dheeri ah.

Sidaa darteed BOI waxay soo saxday oo 100% fariisisay filimka Race 3 ee Mega Star Salman Khan hogaamiye iyo soo saare ka ahaa kaasi oo la daawaday Ciidul Fitrigii 2018 waana filim fagta kowaad siweyn u gadmay balse gadaal hoos u dhac ka sameeyay madaama sheekadiisa daawadayaasha ka heli waayeen.

Fadlan hoos kaga bogo xogta filimka Race 3 oo dhameestiran laguna soo daabacay keedka shabakada Boxoffice India (BOI):

Jilaayaasha filimkan: Salman Khan, Anil Kapoor, Bobby Deol, Jacqueline Fernandez, Disy Shah, Saqeb Salim iyo kuwo kale.

Director: Remo D’Souza

Waqtiga la daawaday: 15 June 2018

Tiyaatarada la saaray: 4300

Nidaamka uu ku furmay: Heer sare (Excellent Openning)

Maalinta kowaad ganacsigiisa: 27.69 Crore

Sedexda maalmood ugu horeyso: 100.64 Crore

Todobaadka kowaad: 139.97 Crore

Cimri ahaantiisa ganacsiga uu sameeyay: 166.15 Crore

Lacagaha lagu qarash gareeyay: 185 Crore

Saamiga laga helay qolyaha cajaladaha qeybiyaan: 87.06 Crore

Lacagaha uu keenay canshuurta ka hor: 212.95 Crore

Suuqyada caalamka ganacsigiisa: 13.56m

Ganacsigiisa dibad & dal la isku daray: 305.15 Crore

Tirida tikit u goosatay gudaha Hindiya: 15-milyan & 819,000 oo qofood.

Inta todobaad uu masraxa Hindiya saarnaa: 5-todobaad.

Natiijadiisa rasmiga ah: AVERAGE (Sharaxaad sida uu Average ku noqday Race 3 asigoo qarashkiisa yahay 185 Crore gudaha Hindiyana ka keenay 166 Crore, nidaamka ayay BOI badaleen waxayna adeegsadaan nidaam cusub oo ah Xadiga Soo Celinta Lacagta Maal Gashiga ama Return of Investment Rate. Sidaa darteed lacagaha dibad iyo dal uu keenay oo ah 305 Crore waxaa loo qeybinaa lacagaha lagu qarash gareeyay 185/305 = 0.61 waxay ka dhigan tahay markaas boqoleey ahaan 61% lacagtiisa inuu Race 3 soo celiyay. Nidaamkan cusub waxay BOI qaadatay kadib markii ay soo korortay kaalinta Digital-ka micnaha in filimada xuquuqo lacago badan laga helo Digital-ka iyo Satellite-ka sidaa darteed qolyaha filimada iska leh marwalbo lacago badan ayay helaan inta uusan filimkooda soo bixin. Sidaa darteed waxaa qasab noqotay qarashka guud iyo lacagaha guud filimka soo xareeyay in marwalbo la isku eego oo natiijada filimada lagu saleeyo).

Qiimeynta sheekada: 2/10 IMDb Rating

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here