Prabhash iyo Shraddha Kapoor filimkooda Saaho ayaa ganacsigiisa qaybta Af Hindiga soo idlaan rabaa wuxuuna ku socdaa todobaadkiisa kowaad inuu keenay 3.50 Crore ($491k) waana filim HIT dhameestiran noqday madaama ganacsi heer sare ah uu sameeyay qabta Af Hindiga lagu daawanayo filimkan Action-ka.

Saaho ilaa iminka wuxuu soo xareeyay 148 Crore (20.76m) qaybta Af Hindiga lagu daawanayo wuxuuna ku ganacsi noqon doonaa filimada Kesari (151.87 Crore) iyo Total Dhamaal (150.07 Crore) ama wax yar ayuu ganacsi ahaan ka hooseen doonaa waana guul lixaad leh oo uu Prabhas gaaray madaama Akshay Kumar iyo Ajay Devgn aflaantooda iska bar bareeyay ganacsi ahaan ayadoo filimkiisa diidmo xoogan la kulmaayo.

Fadlan hoos kaga bogo Saaho iyo qaybta Af Hindiga lagu daawanayo ganacsigiisa oo Update ah soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 120.90 Crore (rasmi)

Todobaadka labaad – 24.04 Crore (rasmi)

Todobaadka sedexaad – 3 Crore (mudo 5-maalmood ah)

Wadarta Guud – 147.94 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here