Suldan Mahesh Babu filimkiisa Sarileru Neekevvaru ayaa shalay gudo galay maalintiisii sagaalaad maadaama filimkaan sabti 11da Janaayo tiyaatarka la saaray.

Mahesh Babu filimkiisa oo daraad sabtidii soo xareeyay 10.90 crore ayaa shalay oo Axad aheyd hoos u dhacay wuxuuna keenay kaliya 10 crore taasoo ka dhigan in wadarta guud filimkaan mudo 9 maalmood uu kusoo xareeyo 141.90 crore.

Dhanka kale Sarileru Neekevvaru isku darka gudaha India iyo daafaha caalamka wuxuu marayaa haatan 188 crore waana ganacsi heer sare ah.

Filimkaan lacag intaan kabadan ayuu xili hore keeni lahaa balse waxaa caqabad ku ah misna tiyaatarka la saaran filimka weyn ee uu hogaamiyaha kayahay Stylish Allu Arjun kaasoo waliba tiyaatarka kaga xoogan.

Filimside kaga bogo wixii warbixin ah ee filimkaan kusoo kordho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here