filimka shactirada badan ee John Abraham iyo jilayaasha kale la isugu keenay Pagalpanti oo maanta tiyaatarada la saaray iyo macluumad filimkaan ku saabsan.

0
1051

Waxaa saakay aroortii tiyaatarada India la saaray filimka Pagalpanti waana filim shactiro ah misna lagu kulmiyay jilayaal badan oo uu hormuud u yahay John Abraham.

Filimkaan waxaa Directed ka ah filim sameeyaha Anees Bazmee waxaana jilayaal ka ah John Abraham, Anil Kapoor, Arshad Warsi, Pilkit Samrat, Kriti Kharbanda, Ileana D’Cruz, Urvashi Rautela iyo Saurabh Shukla.

Filimkaan ayay warar hordhac ah sheegayaan in lagu qarash gareeyay lacag aad u badan 60 crore balse wali lama shaacin kooxda cajalada filimkaan lacagta ay ku iibsadeen waayo filimka guushiisa iyo guul daradiisa halkaas ayaa laga qiimeyn karaa.

Filimkaan ayaa saakay waxaa sidoo kale la saaray 3,000 oo tiyaataro waana tiyaataro heer sare misna ka caawin karto in filimkaan ganacsi wanaagsan sameey isbuuciisa koowaad.

Insha’allah dhawaan naga fisha sheekada filimka Pagalpanti oo dhameystiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here