Filimka Sonu Ke Titu Ki Sweety oo diidan inuu wax gaabis ah sameeyo iyo Isniintiisa 3-aad ganacsiga uu sameeyay

Director Luv Ranjhan iyo kooxdiisa filimka Sonu Ke Titu Ki Sweety Kartik Aaryan, Sunny Singh iyo Nushrat Bharucha masraxa si wacan ayay u heestaan madaama filimkooda Isniintiisa sedexaad uu sameeyay ganacsi adag oo ah 1.50 Crore (Trade Figure).

Filimka Sonu Ke Titu Ki Sweety haatan wadarta guud wuxuu soo xareeyay 84 Crore sidoo kalena todobaadkiisa sedexaad wuxuu keeni doonaa 15.50 Crore ilaa 16 Crore ganacsi u dhaxeeyo waana lacago aad u badan marka loo fiiriyo filimkaan jilaa caan ah inuusan ku jirin.

Filimka Sonu Ke Titu Ki Sweety wuxuu heestaa weli fursad uu 100 Crore ku gaari karo madaama filimka Hate Story 4 ganacsigiisa wax u dhimi waayay, hadii uu Jimcadaan tiyaatarada la qeebsado filimka Raid ee Ajay hogaamiye ka yahay waa hubaal in filimkan 100 Crore si waali ah ku gaari doono.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Sonu Ke Titu Ki Sweety ganacsiga uu ilaa haatan ee shabakada BOI soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 44.56 Crore (Rasmi)

Todobaadka labaad – 27.89 Crore (Rasmi)

Jimco sedexaad – 1.75 Crore (Qiyaas)

Sabti sedexaad – 3.50 Crore (Qiyaas)

Axad sedexaad – 4.50 Crore (Qiyaas)

Isniin sedexaad – 1.50 Crore (Qiyaas)

Todobaadka sedexaad – 11.25 Crore (Mudo 4-maalmood ah) (Qiyaas)

Wadarta Guud – 83.80 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale Anushka Sharma filimkeeda Pari hoos u dhac weyn ayuu sameeyay Isniintiisa labaad asigoo keenay 40 Lakh sidoo kalena todobaadkiisa labaad wuxuu keeni doonaa 4.25 Crore ilaa 5 Crore halka cimri ahaantiisa mashruucaan ku istaagi doono 26 Crore waana filim guul dareestay.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Pari ganacsiga uu sameeyay ilaa haatan ee shabakada BOI soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 20.97 Crore (Rasmi)

Jimco labaad – 60 Lakh (Qiyaas)

Sabti labaad- 1.10 Crore (Qiyaas)

Axad labaad – 1.25 Crore (Qiyaas)

Isniin labaad – 40 Lakh (Qiyaas)

Todobaadka labaad – 3.45 Crore (Mudo 4-maalmood ah)

Wadarta Guud – 24.32 Crore (Trade Figure)