Home » Box Office » Filimka Stree oo ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad lama qiyaasi karo halka uu hiigsanayo

Filimka Stree oo ganacsi adag sameeyay Isniintiisa labaad lama qiyaasi karo halka uu hiigsanayo

Filimka Stree ayaa kaliya 30% hoos u dhac sameeyay Isniintiisa labaad marka lala bar bar dhigo Jimcadiisii labaad ganacsiga uu sameeyay waana filim haatan ah dooqa kowaad ee daawadayaasha xitaa filimka The Nun isaga ayaa masraxyada ka qabsaday.

Stree Isniintiisa labaad wuxuu keenay 3.25 Crore (Trade Figure) haatana ganacsigiisa guud filimkan wuxuu marayaa 84.16 Crore (Trade Figure) mudo 11-maalmood ah waana ganacsi adag oo muujinaayo inay adag tahay filimkan in la sadaaliyo halka uu hiigsanaayo.

Stree haatan 25 Crore ayuu soo xareeyay todobaadkiisa labaad afarta maalmood ee ugu horeyso wuxuuna keeni doonaa 34 Crore ilaaa 35 Crore ganacsi u dhaxeeyo todobaadkiisa labaad asigoo la mid noqon doono ganacsigii filimka Raazi sameeyay todobaadkiisa labaad balse mudo labo todobaad ah wadarta guud 2 Crore ayaa Raazi la dheeraan doonaa waaana astaan muujineyso in Stree si sahlan kusoo qaban doono Raazi oo cimri ahaantiisa 120 Crore soo xareeyay sanadkan.

Fadlan hoos kaga bogo filimka Stree iyo mudo 10-maalmood ah ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI):

Todobaadka kowaad – 59.31 Crore

Jimco labaad – 4.35 Crore

Sabti labaad – 7.75 Crore

Axad labaad – 9.50 Crore

Isniin labaad – 3.25 Crore

Todobaadka labaad – 24.85 Crore (mudo 4-maalmood ah)

Wadarta Guud – 84.16 Crore (Trade Figure)