Filimka Street Dancer ayaa markale hoos u dhac sameeyay asigoona talaadadiisa koowaad keenay kaliya 3.50 crore wuxuuna haatan ganacsigiisa guud marayaa 47 crore mudo 5 maalmood asigoona todobaadkiisa koowaad keeni doono 53 crore.

Filimkaan ayaa hoos u dhaca uu shalay (Talaado) sameeyay lamid tahay in uusan heysan jaanis uu kusii gadmo iyo meel uu higsanaayaba waxaana la filayaa in todobaadkiisa labaadna uu hoos u dhac kale sii sameeyo markii loo fiiriyo qaabka uu haatan ku socdo.

Halkaan hoos kaga bogo Street Dancer iyo mudo 5 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 9.50 crore.

Sabti; 12.50 crore.

Axad; 17 crore.

Isniin; 4.25 crore.

Talaado; 3.50 crore.

Wadarta guud; 46.75 crore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here