filimka Suldaan Mahesh Babu ee Sarileru Neekevvaru oo ganacsi waali ah shalay gudaha India ka keenay.

0
1090

Filimka Sarileru Neekevvaru waxaa hogaamiye ka ah Mahesh Babu waxaana ku wehliyaan Rashmika Mandanna, Rajendra Prasad, Vijayashanti iyo Prakash Raj waxaana Directed ka ah Anil Ravipudi waana filim Tollywood ah (Telagu).

Filimkaan ayaa shalay tiyaatarada la saaray wuxuuna ku furmay qaab waali ah asioona guud ahaan dhulweynaha Telagu kaga furmay 98% waliba filimkaan wuxuu ka bilaabasho wanaagsanaaday filimka weyn ee Bahubali asigoona ku garaacay xarunta Tollywoodka ee Hyderabad wuxuuna shalay kaga furmay halkaasi 100% waana rikoor waali ah.

Filimkaan oo lagu daawanayay kaliya luuqada Telagu ayaa shalay gudaha India kasoo xareeyay sida xog hordhac aan ku heleyno 51 crore waana waali cas inkastoo lacagahaan rasmi aheyn oo maanta galinka dambe lakala ogaan doono xadigooda hadan bilaabasho taariikhi ah ayuu sameeyay filimkaan.

Suldaan Mahesh Babu looma dhawaan karo waayo kaliya gudaha India filimkiisa wacdaro kama dhigin sidoo kalana daafaha caalamka ayuu wuxuu ka keenay 11 crore waliba asigoo la daawaday maalin barked yacni 12 saac ayuu lacagtaasi ku keenay.

Sarileru Neekevvaru isku dar dal iyo dibad shalay wuxuu soo xareeyay 70 crore canshuurta kahor asigoona canshuurta kahor sidoo kale gudaha India ka keenay 60 crore halka canshuurta kadibna uu keenay 51 crore.

Sidaas darteed filimkaan isku dar dal iyo dibad canshuurta kadib wuxuu soo xareeyay 62 crore nadiif ah wuxuuna ka lacag badiyay filimka Darbar ee Tamilka kaasoo ahaa filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay sanadkaan India balse waxaa haatan ka saro maray filimka Sarileru Neekevvaru ee Mahesh Babu.

FG; xogtaan ma ahan mid rasmi ah lacagahaana wey ka yaraan karaan intaan weyna ka badan karaan markii xogtooda rasmiga lasoo daabaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here