Mega star Chiranjeevi filimkiisa weyn Sye Raa Narasimha Reddy ayaa ganacsi heer sare ah sameeyay mudo sedex maalmood ah wuxuuna soo xareeyay 93.50 Crore ($13.20m) waa lacagtiisa nadiifka ah dhamaan luqadaha kala duwan ee lagu daawanayo.

Fadlan hoos kaga bogo luqad walbo lagu daawanayo filimka Sye Raa Narasimha Reddy lacagaha nadiifka ah ama canshuurta kadib uu ka keenay mudo sedex maalmood ah:

Af Telugu – 87.60 Crore

Af Hindi – 4.40 Crore

Af Tamil – 0.85 Crore

Af Kannada – 0.47 Crore

Af Malayalam – 0.28 Crore

Wadarta Guud – 93.50 Crore (All India Language Net Money)

Dhinaca kale filimka Sye Raa ganacsigiisa gudaha Hindiya dhamaan luqadaha kala duwan lagu daawanayo canshuurka ka hor wuxuu keenay 107 Crore ($15.10m) mudo sedex maalmood ah.

Sidoo kale filimka Sye Raa suuqyada caalamka wuxuu kasoo xareeyay 23 Crore ($3.24m) waana ganacsi heer sare ah oo muujinaayo in Chiranjeevi filimkiisa suuqyada caalamka siweyn uga gadmaayo.

Ugu dambeyntii filimka Sye Raa ganacsigiisa guud dibad iyo dal marka la isku daro wuxuu mudo sedex maalmood ah soo xareeyay 130 Crore ($18.35m).

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here