Tanhaji-The Unsung Warrior ayaa kudhow 350 Crore ganacsigiisa dibad iyo dal marka la isku daro maadama hader uu maraayo 347 Crore balse ganacsiga uu gudaha India ka sameeyay ayaa wadar ahaan siweyn u caawisay.

Daafaha caalamka mashruucan ganacsi waali ah kama sameynin kaliya waxuu ku wacnaa US/Canada waana meesha ganacsigiisa kalabar uu kasameeyay daafaha caalamka sido kale Gulf wuu kuwacnaan lahaa balse Filimada taariikhiga dagaalka ah halkaas lagama soo dhaweyo.

Si fudud ayuu ku noqday Ajay Devgn Filimkiisa lacagaha ugu badan ka keena gudaha India iyo daafaha caalamka la iskudaray wadar ahaan (Worldwide) iskoorkaas horey waxaa u hayey Golmaal Again oo 311 Crore dal iyo dibad ka keenay hadase waa la jabiyay inkastoo Golmaal daafaha caalamka uu kaga wacan yahay Tanhaji sababto ah Golmaal Again $7.2 Million ayuu ka keenay daafaha caalamka kaliya.

Kaalinta 16-aad ayuu Tanhaji ka galay Filimada dal iyo dibad la iskudaray lacagaha ugu badan soo xareyeen halka gudaha India dhul weynaha Maharashtra si weyn looga soo dhaweyay in ka badan intii lasoo dhaweeyay Bajirao Mastani fadlan hoos kaga bogo ganacsiga dibad iyo dal Tanhaji halku maraayo.

Lacahaha nadiifta ah ee India uu ka keenay: 263.85 Crore

Canshuurta kahor lacagaha uu ka keenay gudaha India: 314.75 Crore

Daafaha caalamka:

UK – £160,000

US / Canada – $2,225,000

Gulf – $1,000,000

Australia – A$665,000

Rest Of The World – $525,000

Wadarta Guud Dibada: $4.6 Million (32.50 Crore)

Wadarta Guud Dibad iyo Dal: 347.25 Crore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here