Super Star Ajay Devgan farxad uma dhina kadib markii filimka Tanhaji uu shalay oo sabti aheyd sameeyay 60% sare u kac ah asigoona soo xareeyay 15.50 crore sida ay soo daabacday shabakada Box Office India.

Lacagaha uu shalay oo sabti keenay iyo sare u kaca uu sameeyay ayaa haatan hubaal ka dhigtay in filimkaan uu cimri ahaantiisa dhaafi doono 200 crore isla markaasna ka talaabi doono lacagaha filimka Golmaal Again ee 205 crore ahaa wuxuuna Tanhaji noqon doonaa Ajay filimkiisa lacagaha ugu badan soo xareeyay.

Tanhaji haatan mudo 9 maalmood ayuu ganacsigiisa ku marayaa 141 crore waxaana laga war sugi doonaa maanta oo axad ah sida uu Box Officeka uga gadmo iyo bari oo isniin ah sida uu isku celiyo.

Halkaan hoose kaga bogo Tanhaji iyo mudo 9 maalmood ganacsiga uu ka sameeyay;

Week 1; 116 crore.

Jimce; 9.50 crore.

Axad; 15.50 crore.

Wadarta guud; 141 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here