Ajay Devgn Filimkiisa Tanhaji-The Unsung Warrior ayaa todobaadkiisa labaad keenay 77 Crore nadiif ah (Trade Figure) waana ganacsi aad u weyn waxuuna sidaa ku noqday Filimka 8-aad taariikhda lacagaha ugu badan keena todobaadka labaad.

Sido kale waa Filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay todobaadka labaad 2-sano u dambeysay marka laga reebo Sanju & Kabir Singh waxuuna 30 Crore ka badan yahau ganacsiga Filimka Golmaal Again todobaadkiisa labaad uu sameeyay 2017.

Kaliya 34% ayuu hoos udhacay mashruucan marka lala barbardhigo todobaadkiisa labaad wadarta guudna hader waxuu marayaa 192 Crore ganacsigiisa gudaha India ee labo todobaad ah axada ayuuna noqon doonaa Ajay Filimkiisa lacagaha ugu badan abid soo xareeyo.

Mudo labo todobaad Tanhaji sifiican ayuu kusocday wax joojiyana waa la waayey balse maanta ayee shaqo u bilaawane iyo cadaadis waliba maanta hoos udhac ayuu la kulmi doonaa maadama tiyaatarada lasoo saaray aflaam waaweyn.

Dhanka kale Maharashtra canshuurta waa laga dhaafay Tanhaji oo ganacsigiisa halkaas sitoos ayaa loo xisaabina inkastoo goobaha kale uu Hit ka noqday xili hore mudo labo todobaad ganacsigiisana waa sida tan:

Todobaadka Kowaad: 115.28 Crore

Todobaadka Labaad: 77 Crore

Wadarta Guud: 192.28 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here