Filimka Tanhaji ayaa caawo si waali u gadmaayo asigoona waliba gaaray heerkii ugu sareysay wuxuuna maanta ka talaabay lacagihii la is labaa bari wuu keeni doonaa.

Tanhaji oo saakay ku furmay 35% ayaa duhurkii sare ukac sameeyay wuxuuna gaaray 53% halka caawo fiidkii uu garaacay 65% asigoona caawo galinka dambe sii karaar qaatay wuxuuna marayaa 72% waana arin aan marnaba maanka la gashan in filimkaan oo todobaadkiisa labaad saaran sidaan u gadmo.

Tanhaji bari qiyaas ahaan wuxuu keeni doonaa lacago lamid ah kuwii uu talaadada keenay asigoona soo xareyn doono 15 ilaa 16 crore waxaana macquul ah in lacagahaan wax ku darsado ama wax ka dhinmaan waana qiyaas.

Insha.allah barito markii ay Box Office India xogtiisa si rasmi usoo daabacdo ayaan idinla wadaagi doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here