Filimka Actionka taariikhiga ah ee Tanhaji ayaa wali sio wato wacdaraha uu Box Officeka ka dhigaayi asigoona waliba maalintii shalay aheyd sameeyay sare u kac weyn wuxuun soo xareeyay 15.25 crore.

Filimka Tanhaji ayaa shalay ka faaideystay fasaxyo gobolada qaar ka jireen asigoona filimkaan sameeyay waliba 20% sare u kac markii lala barbardhigi ganacsigii uu isniintiisa koowaad sameeyay wuxuuna filimkaan ganacsigiisa ilaa haatan marayaa 88.50 crore asigooma lagu wado in todobaadkiisa koowaad keeno 110 crore qiyaas ahaan.

Tanhaji ayaa Blockbuster ka noqday gobolka Maharashtra sidoo kalana gobolka Gujarat maalmaha soo socdo ayuu darajadaas ka gaari doonaa waxaana ugu wacan in sheekada filimkaan ay quseyso halkaasi balse wali lama xaqiijin karo filimkaan guud ahaan India natiijada uu ka keeni karo waxayna midaas cadaan doontaa markuu filimkaan gudo galo todobaadkiisa labaad iyo kan sadaxaad.

Maanta oo arbaco ah sidoo kale waxaa jiraan fasaxyo gobolada qaar wuxuuna filimkaan markale keeni doonaa ganacsi wanaagsan asigoona lagu wadonin darajada 100 crore uu maanta gaaro haduusan hoos u dhac sameynin filimkaan.

Halkaan hoose kaga bogo Tanhaji iyo mudo 5 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 14.50 crore

Sabti; 19.75 crore.

Axad; 25.50 crore.

Isniin; 13.50 crore.

Talaado; 15.25 crore.

Wadarta guud; 88.50 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here