Filimka Tanhaji The Unsung Warrior iyo maalintiisa 2aad ganacsiga uu sameeyay iyo filimkaan oo wadadii Hitka cagta saaray.

0
967

Ajay Devgan markaan waa soo dhigtay wuxuuna taaganyahay Hitka ugu horeeyo 2019ka anigaa leh maadaama filimkiisa Tanhaji uu shalay sameeyay sare u kac 40% isla markaasna soo xareeyay 19.50 ilaa 20 crore lacago u dhaxeeyo qiyaas ahaan.

Tanhaji ayaa tiyaatarada dakhliga badan laga helo misna reer magaalka loogu talo galay ee Multiplexka shalay ka sameeyay 50% taasoo filimkaan ka caawisay in ganacsigiisa sare u kaco sidoo kale Delhi/UP iyp East Punjab oo uu ka liitay maalintii jimcaha ayuu filimkaan ka sameeyay sare u kac 60-70% waana arin cadeyn u ah in daawadayaasha filimkaan siweyn kaga heleen isla markaasna ganacsi wacan sameyn doono.

Tanhaji mudo 2 maalmood wuxuu kusoo xareeyay haatan 34 crore qiyaas ahaan waxaana u dhiman manta oo axad ah isla markaasna shaqooyinka laga nasanaayo waxaana lagu kalsoonyahay in maanta uu sare u kac fiican sameyn doono isla markaasna keeni doono lacago u dhaxeeyo 25 ilaa 30 crore.

Halkaan hoose kaga bogo filimka Tanhaji – The Unsung Warrior iyo mudo labo maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Jimce; 14.50 crore.

Sabti; 19.75 crore.

Wadarta guud; 34.25 crore (Qiyaas).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here