Filimka Tanhaji – The Unsung Warrior iyo sadaxdiisa maalin ugu horeeyo ganacsiga uuu sameeyay.

0
1008

Filimka Tanhaji – The Unsung Warrior ayaa ganacsi heer sare ah sameeyay sadaxdiisa maalin ugu horeyso asigoona keenay 60 crore nadiif ah canshuurta kadib waana ganacsi heer sare ah.

Filimkaan oo maalintiisii koowaad si dhexdhexaad ku furmay ayaa sabtidii iyo axadii karaar qaatay kana faaideystay fasaxyadii jireen wuxuuna isku darka labadaas maalin kaliya keenay in kabadan 45 crore taasoo muujineyso sida uu filimkaan fasaxii jiray uga faaideystay.

Tanhaji wuxuu ganacsiga ugu badan ka sameeyay Mumbai iyo hareeraheeda asigoona halkaas ka keenay 27 crore wuxuuna kala mid yahay filimka Bajirao Mastaani balse Bajirao Mastaani waxaa lasaaray Christsmaska asigoona isku helay Xmas iyo fasax sanadkada cusub.

Tanhaji shalay oo axad aheyd wuxuu keenay 25.50 crore nadiif ah asigoona siweyn kaga faaideystay fasaxyadii jireen waxaana filimkaan shalay usoo daawasho tagay inta badan qoysaska India asigoona noqday dooqa koowaad ee daawadayaasha maadaama uu tiyaatarka la saaranyahay filimka Chhapaak.

Laga bilaabo manta oo isniin ah filimkaan hoos u dhac ayuu filimkaan sameyn doonaa inasktoo gobolada qaar fasaxyo jiraan hadana wax walba waxay ku xirnaan doonaan siduu filimkaan manta hoos ugu dhaco.

Halkaan hoose kaga bogo Tanhaji iyo muod 3 maalmood ganacsiga uu ka sameeyay gudaha India;

Jimce; 14.50 crore.

Sabti; 19.75 crore.

Axad; 25.50 crore.

Wadarta guud; 59.75 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here