Filimka Ajay Devgan uu Box Officeka ku qabsaday ee Tanhaji – The Unsung Warrior ayaa hoos u dhiciisii ugu horeeyay sameeyay shalay oo talaado aheyd wuxuuna keenay 3.25 crore asigoona isniintiina keenay 4 crore.

Tanhaji haatan wuxuu todobaadkiisa 3aad keeni doonaa lacago u dhaxeeyaan 38 ilaa 39 crore asigoona noqon doono filimka 4aad ee todobaadkiisa 3aad ganacsiga ugu badan sameeyay wuxuuna ka gaabiyay filimkaan inuu gaaro ganacsigii ay todobaadkooda sadaxaad sameeyeen filimada PK iyo Dangal.

Filimkaan ayaa haatan maraayo ganacsigiisa guud 226 crore mudo 19 maalmood waxaana lagu wadaa in cimri ahaantiisa uu gaari doono 260 crore.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo Tanhaji iyo mudo 19 maalmood ganacsiga uu sameeyay;

Week 1; 115.28 crore.

Week 2; 77.87 crore.

Jimce; 5 crore.

Sabti; 8.50 crore.

Axad; 12 crore.

Isniin; 4 crore.

Talaado; 3.25 crore.

Wadarta guud; 225.90 crore.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here