Filimka Tanhaji ee uu hogaamiyaha kayahay Super Star Ajay Devgan ayaa ganacsi weyn sameeyay todobaadkiisa koowaad asigoona soo xareeyay 116 crore nadiif ah canshuurta kadib waana ganacsi heer sare ah.

Filimkaan ayaa maalintii shalay aheyd keenay 11 crore asigoona noqday filimka lacagaha ugu badan usoo xareeyay Ajay Devgan khamiistiisa koowaad mana jiro filim uu Ajay Devgan hogaamiye kayahay kaasoo khamiistiisa koowaad 11 crore keeno.

Tanhaji ayaa haatan gudo gali doono todobaadkiisa labaad mana la qiyaasi karo halka uu hiigsan doono filimkaan maadaama uu ganacsigiisa xowli ku socdo balse waxay u badantahay in darajada 200 crore gaari doono.

Halkaan hoose kaga bogo Tanhaji iyo ganacsiga uu mudo todobaad ah kusoo xareeyay;

Jimce; 14.50 crore.

Sabti; 19.75 crore.

Axad; 25.50 crore.

Isniin; 13.50 crore.

Talaado; 15.25 crore.

Arbaco; 16.25 crore.

Khamiis; 11.25 crore.

Wadarta guud; 116 crore.

Filimkaan waxaa la filaayay in ganacsigiisa todobaadka koowaad uu noqon doono 110 crore hase yeeshee kadib markuu arbacadii ganacsi weyn sameeyay misna ka talaabay 16 crore asigoona ka faaideystay fasaxyadii jiray waxay noqotay in uu 116 crore gaaro misna la saadaalin waayo halka uu hiigsanaayo balse ganacsi weyn ayaa laga filan karaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here