Filimka Tanhaji ayaa gudo galay maalintiisa 11aad oo uu tiyaatarka saaranyahay asigoo waliba filimkaan wacdaro aan horay loo arag dhigaayo xili uu guulo waaweyn ka talaabsanaayo.

Tanhaji ayaa maanta oo isniintiisii labaad ah ku furmay qaab wanaagsan misna lamid ah qaabkii uu ku furmay jimcadiisii 2aad asigoona jimcadii tiyatarka India kaga furmay 20%.

Maanta oo isniintiisii 2aad ahna isla qaabkii jimcadiisii labaad ayuu ku furmay asigoona maantana ku furmay 15% – 20% waxaana u dhaxeeyo farqi aad u yar.

Tanhaji ayaa sare u kac sameeyay duhurkaan maanta wuxuuna marayaa 25% waana arin wanaagsan maadaama maanta maalin shaqo tahay sidaas owgeed siweyn ayuu filimkaan isku celinayaa.

Tanhaji qiyaas ahaam maanta wuxuu keeni doonaa 8 crore waxaana macquul ah in lacagahaan wax ku darsado ama wax ka dhinmaan waxayna wax walba ku xirnaan doonaan qaabka uu filimkaan maanta isku celiyo waana meesha laga cabir qaadan karo halka uu filimkaan gaari karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here