Filimka The is Pink oo ay kusoo laaban laheyd Priyank Chopra oo qaab burbur ah ku furmay subaxaan.

0
1202

Filimka The Sky is Pink waxaa hogaamiye ka ah Priyanka Chopra iyo Farhan Aktar waxaana maanta la saaray tiyaatarada India balse wuxuu ku furmay qaab aad u liito subaxaan asigoona kaliya ku furmay 10%.

Priyanka Choprya oo Bollywoodka kasoo muuqato waxaa ugu dambeysay sanadkii 2016dii ayadoona filimkii ugu dambeeyay uu ahaa Jai Gangaajal waxaana laga joogaa mudo sadax sano ah.

Hadaba soo laabashadii Priyanka Chopra waxay noqotay mid liidato waxaana u sabab ah in filimka uusan hogaamiye ka aheyn jilaa awood leh sidoo kalana daawadayaasha tiyaatarada kusoo jiidi karo.

Filimka The Sky is Pink xitaa hadii uu caawo sare u kac sameeyo sidoo kalana sabtida iyo axada sifiican u gadmo waxaa sugaayo imtixaanka maalinta isniinta tiiyoo ay jirto in tiyaatarada India uu heysto filimka weyn ee WAR.

Hadaba waan arki doonaa halka uu ku dambeeyo filimkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here