Home » Box Office » Filimka Thugs Of Hindustan oo jebiyay iskoor walbo horey looga dhigay gobolka UP (Uttar Pradesh)

Filimka Thugs Of Hindustan oo jebiyay iskoor walbo horey looga dhigay gobolka UP (Uttar Pradesh)

Filimka Thugs Of Hindustan ayaa ganacsi lala amakaagay ka sameeyay gobolka weyn UP (Uttar Pradesh) ee dhaco Waqooyiga Hindiya waxaana muuqato in filimkan uu gobolkan weyn ka keenayo 6.50 Crore sida qiyaasta hore shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabaceyso.

Sidoo kalena waxaa macquul ah in magaalada Delhi kaliya inuu filimkan ka keeno 4 Crore taasi oo ka dhigeyso israac ahaan ama wadar ahaan Delhi/UP in filimka TOH kasoo xareeyay 10.50 Core waa lacag waali ah oo aan waligeed lagu riyoonin in hal filim maalintiisa kowaad ka keeni karo labadan suuqa muhiimka ah oo ganacsi ahaan la is raacsiiyo!

Sedexda magaalo ugu weyn ee gobolka UP hoos imaadaan Lucknow, Agra iyo Kanpur wuxuu filimka TOH ka sameeyay ganacsi waali ah sidoo kale isla magaalooyinka Noida iyo Ghaziabad oo isla UP hoos imaadaan wuxuu ka keenay wadar ahaan 1.75 Crore waana iskoor kale oo waali ah.

Fadlan si gaar ah u fiiro sedexda magaalo ee UP ugu weyn Lucknow, Agra iyo Kanpur mid walbo maalintii shalay ahayd lacagaha uu filimka TOH ka keenay iyo tirada dadka ah ee tikit u goosteen:

Lucknow – 62 Lakh (Qiyaas)

Tirada tikit u goosatay – 440,000 oo qof (Qiyaas)

Kanpur – 40 Lakh (Qiyaas)

Tirada tikit u goosatay – 372,000 oo qof

Agra – 31 Lakh

Tirada tikit u goosatay – 270,348 oo qof

Wadarta Guud- 1.33 Crore (Qiyaas)

Tirada Guud Tikit U Goosatay- 1,-milyan iyo 142,000 oo qof

Sedexda magaalo ugu weyn gobolka UP inay maalinta kowaad filimka TOH usoo daawasho tagaan Hal Milyan oo qof waa arin Taariikhi ah oo aan horey loo arag. Filimada Ek Tha Tiger iyo Bahubali – The Conclusion wey sameeyeen in Hal Milyan qof ku nool sedexda magaalo UP ugu weyn usoo daawasho tageen hal maalin balse maalintaas waxay Axad ama maalintooda sedexaad oo ay tiyaatarada saarnaayeen.

Fadlan kala soco shabakada Filimside sidoo kalena Rukumo si qoraal walbo aan soo dirno Notification ahaan kuugu soo dhaco oo ku saabsan filimka TOH.

Mahad sanidiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *