Marka laga soo tago Ranveer iyo Deepika maanta taageerayaashooda xitaa waxay u dabaal dagayaan sanad guurada arooska lamaanahan maadama 14 Nov 2018 ay si rasmo ah isku guursadeen nin iyo xaaskiisana u noqdeen.

Lamaanahan maanta oo kale ayee is guursadeen una noqdeen kuwa ka dhabeeya jaceylkooda kadib mudo 7 sano ah oo ay xiriir jaceyl isla soo wadeen ugu dambeyn weynka dhabeyeen oo waxay iska ilaaliyeen sida kuwa badan inuu fashilmo xiriirkooda.

1-Kahor inta aysan xiriir la sameynin Ranveer Singh waxay Deepika xiriir la laheed atooraha Ranbir Kapoor kaaso meel cidlo kaga tagay kana raacay Atirishada Katrina Kaif sanadkii 2012.

2-Deepika marxalad adag ayee gashay markuu Ranbir katagay walwal iyo walbahaar, niyad jab wax walbo ayaa isugu darsameen nolol ay nacdo jaceyl wax ladhaho ayee dhexda gashay.

3–Filimka Goliyon Ki Raasleela Ran Leela ee la daawaday 2013 ayee isku barteen Ranver Singh Iyo Deepika Padukone waana mashruuca sababta u noqday xiriirka lamaanahan ilaa ugu dambeyn iska guursadeen.

4-Waardiye oo kale meel walba wuu u raaci jiray Ranver Deepika sababtana waxay ahed si uu qalbigeeda kaga saaro niyad jabkii ay ka qaaday Ranbir Kapoor ugu dambeyna wuu ku guulestay wuuna hilmaamsiiyay noloshii hore isagoo farxad ugu bedelay.

5-Mudo 7 sano ayee wada socdeen Deepika mudadaas nolosheeda farxad ayee isku bedeshay Ranver wax uusan sameynin malaha si uu kaga farxiyo atiriishadan dadka hortooda ayuu jecelkiisa ugu soo bandhigtay jilbaha ayuu dhulka dhigay, ubax ayuu la daba socon jiray gabay iyo geeraarna waa dhameeyay.

6-Jaceylkooda waxaa sii xoojiyay wada shaqeyntooda oo aflaam dhowr ah ayee isla sameyeen isfahamkoodana sii xoojiyay waxaana kamid ah RamLeela, Bajirao Mastani, Padmaavat iyo 83 oo ay isla soo wadaan.

Lamaanahan baraha bulshada iyo xafladaha ayee qabsadeen xili oo sawiradooda iyo oraahyadooda lagu soo gudbin jiray ugu dambeym November 2018 ayee aqal galeen maantana sanad ayaa laga joogaa arooskooda.

Adduun weynaha iyo reer Filimside waxay leeyihiin sanad guuro wacan DeeoVeer……

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here