Vaishnav Tej iyo Kirthy Shetty oo fanka Telugu ku cusub sidoo kalena ruug cadaa Vijay Sethupathi garab taagan yahay ayaa wacdaro horey loo arag dhigayaan madaama filimkooda fariinta jaceylka iyo kala duwanaan shaha bulshada u dhaxeyso ka hadlaayo dhanka dabaqa Uppena mudo 4-maalmood ah Blockbuster weyn ku noqday.

Filimka Uppena waxaa u suura gashay mudo 4-maalmood ah ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray inuu kusoo xareeyo 50 Crore (Worldwide Gross) waxayna qolyaha cajaladaha qeybiyaan ka heleen 30.20 Crore ayadoo markii hore ay ku iibsadeen 20 Crore waxayna ka heleen 10 Crore macaash ah waana sabbata uu filimkan haatan Blockbuster ku noqday.

Vaishnav Tej oo ay walaalo yihiin Sai Dharam Tej ayaa ku faraxsan in filimkiisa si waali ah loo daawanayo kana gudbay tijaabada maalinta Isniinta ahayd madaama maalin shaqo ahayd waxaa la islahaa hoos u dhac weyn ayuu sameyn doonaa balse midaas ma aysan dhicin filimkana waxaa lagu kalsoon yahay dhowr todobaad inuu daawan doono madaama dhalinta siweyn laga heleen.

Filimka Uppena si gaar ah markii aan u fiirino gudaha Hindiya wuxuu kasoo xareeyay 42 Crore lacagta nadiifka ah canshuurka ka hor halka canshuurta ka hor uu filimkan keenay 48.20 Crore sidoo kalena suuqyada caalamka wuxuu ka keenay 1.30 Crore waxaana muuqato filimkan inuu u gadmaayo sida inuu atoore weyn hogaamiye ka yahay sidoo kalena laga filan karo cimri ahaantiisa ilaa 80 Crore inuu gaaro ganacsigiisa dibad iyo dal marka la isku daro madaama haatan 50 Crore ku gaaray wadarta guud mudo 4-maalmoo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here