Vaishnav Tej fanka Telugu si waali ah ayuu kusoo galay madaama filimka uu kusoo caan baxay Uppena mudo sedex maalmood ah ganacsiga uu ku sameeyay ku noqday Super Hit sidoo kalena Blockbuster ayuu u dalaci doonaa haddii uu sidaan kusii socdo todobaadkiisa kowaad filimkan jaceylka ah ee laga wada helay daawashadiisa.

Filimka Uppena waxaa Vaishnav Tej la jileyso gabadha fanka ku cusub Krithi Shetty halka laadar uu ka yahay halyee Vijay Sithepathu oo filimkan door adag ku leh waxaana mashruucan u suura gashay sedexdiisa maalmood ugu horeyso inuu soo xareeyo ganacsigiisa gudaha Hindiya 41 Crore canshuurta ka hor halka lacagta nadiifka ah uu keenay 35.34 Crore waxaana u suura gashay sidoo kale filimkan inuu 1.20 Crore kasoo xareeyo suuqyada caalamka.

Filimka Uppena ganacsigiisa dibad iyo dal markii la isku daro wuxuu soo xareeyay 42.20 Crore sidoo kalena saami ahaan qolyaha cajaladaha qeybiyaan waxay ka heleen 26 Crore ayagoo markii hore ku iibsadeen 20 Crore waxay ka heleen macaash 6 Crore mudo sedex maalmood ah waana sababta keentay inuu filimkan si deg deg ah Super Hit ku noqdo.

Waxaa lagu kalsoon yahay mashruucan ganacsigiisa waalida ah inuu sii wadan doono madaama dhalinta siweyn kaga heleen sidoo kalena waxaa siweyn looga daawanayaa magaalada Hydebarad iyo guud dhaan dhul weynaha Telugu sidaa darteed Vaishnav Tej oo la dhashay Sai Dharam Tej waxaa u suura gashay bilaabasho taariikhi ah inuu la imaado fanka Telugu-na qabsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here