Filimka ugu weyn Bollywoodka sanadkan sameeyaan War ayaa maalinta berito ah (2 Oct 2019) tiyaatarada gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka la saaraa waxaana hogaamiyaal ka ah Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff.

Haddaba waxaan soo helnay macluumad ku aadan filimka War lacagaha laga helay, HIT ama FLOP sida uu ku noqon karo iyo lacagaha Hrithik & Tiger qaateen.

Marka kowaad shirkada Yash Raj Films qarashka ay ku bixisay sameynta War:

Qarashka toos loogu sameeyay – 180 Crore Xayeysiinta & suuqgeynta loo sameeyay – 20 Crore.

Qarashka guud ee ku baxay sameynta War – 200 Crore.

Marka labaad daqliga ay shirkada YRF ka heshay filimka War ka hor inta aan tiyaatarada la saarin:

Xuquuqda Satellite+Digital – 120 Crore (Star & Hotstar).

Xuquuqda Music-ga – 10 Crore

Wadarta guud daqliga laga helay – 130 Crore.

Marka sedexaad lacagaha ka maqan shirkada YRF waa 200 Crore (qarashka guud) – 130 Crore (daqliga guud) = 70 Crore.

Shirkada YRF iyada ayaa filimka War cajaladihiisa qeybineyso oo ma aysan sii iibinin sidaa darteed 70 Crore ayaa laga rabaa filimkan inuu dib usoo celiyo.

Marka afaraad filimka War iyo sida uu FLOP ama HIT ku noqon karo marka gudaha la saaro asigoo 70 Crore laga rabo inuu dib usoo celiyo.

All Time Blockbuster wuxuu ku noqon karaa marka uu keeno 350 Crore+

Blockbuster wuxuu ku noqon karaa marka uu keeno 300 Crore+

Super Hit wuxuu ku noqon karaa marka uu keeno 235 Crore+

Hit wuxuu ku noqon karaa marka uu keeno 180 Crore+

Semi Hit wuxuu ku noqon karaa marka uu keeno 145 Crore+

Average wuxuu ku noqon karaa marka uu keeno 140 Crore+

Flop wuxuu ku noqon karaa marka uu keeno 130 Crore+

Disaster wuxuu ku noqon karaa marka uu keeno 120 Crore iyo ka hoose marka uu keeno.

Ugu dambeyntii Hrithik Roshan wuxuu sameynta filimka War ku qaatay 52 Crore halka Tiger Shroff isagana ku qaatay 16 Crore.

Nasiib wacan ayaan leenahay HR, Tiger iyo shirkada YRF madaama filim weyn oo hami badan laga qabo la imaadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here