Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff filimkooda War gudaha Hindiya oo kaliya ganacsi heer sare ah kama sameenayo sidoo kalena suuqyada caalamka si wanaagsan ayuu kaga gadmayaa wuxuuna ku socdaa mashruucan in dibad iyo dal macaash xoogan laga heli doono.

Haddaba filimka War ayaa gudaha Hindiya kasoo xareeyay 95 Crore ($13.41m) oo nadiif ah canshuurta kadib mudo sedex maalmood ah halka canshuurta ka hor filimkan weyn uu keenay 117 Crore ($16.52m).

Sidoo kale filimka War ayaa suuqyada caalamka kasoo xareeyay 25 Crore ($3.53m) waana ganacsi heer sare ah mudo sedex maalmood ah ayadoo usii harsan tahay Sabti iyo Axad.

Guud ahaan filimka weyn War mudo sedex maalmood ah ganacsigiisa dibad iyo dal wuxuu soo xareeyay 142 Crore ($20.05m) waana lacago qiyaas ah oo aan weli si rasmi ah loo sal dhigin balse ganacsigan waa mid heer sare ah kana dhigan mashruucan 200 Crore ilaa 250 Crore inuu keeni doono 5-maalmood ugu horeyso ganacsigiisa dibad iyo dal la isku daray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here