Waxaan horey idin kula wadaagnay filimka weyn War iyo mudo labo maalmood ah kusoo xareeyay 74 Crore (Trade Figure) waa lacagta nadiifka ah canshuurta kadib uu filimkan uu soo xareeyay soona daabacday shabakada Boxoffice India (BOI).

Sidoo kale waxaan idiin soo ogaanay filimka War in mudo labo maalmood ah uu soo xareeyay 88 Crore (Gross Money) waa canshuurta ka hor lacagaha uu filimkan soo xareeyay.

Waxaa intaas u dheer in filimka War uu suuqyada caalamka kasoo xareeyay 20 Crore mudo labo maalmood ah waana ganacsi adag ayadoo Sabti iyo Axad u harsan yihiin filimkan.

Sidaa darteed War oo ay hogaamiyaal ka yihiin Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff wadarta guud mudo labo maalmood ah ganacsigiisa dibad iyo dal wuxuu marayaa 108 Crore (Worldwide Gross) waa qiyaas ahaan weli lacagahan 100% lama fariisinin.

Waxaa muuqato in 5-maalmood ugu horeyso filimk War ganacsigiisa dibad iyo dal 200 Crore ilaa 250 Crore keeni doono waana ganacsi aad u weyn waxaana laga rabaa inuu soo qabto ama dhaafo Saaho oo sanadkan 432 Crore soo xareeyay ganacsigiisa dibad iyo dal kaasi oo ah filimka Hindiya oo dhan lacagaha ugu badan soo xareeyya 2019 ganacsiga dibad iyo dal marka la isku daro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here