Filimka WAR oo is celiyay arbacadiisa 2aad isla markaasna lacago fiican soo xareeyay.

0
779

Filimka WAR oo ay hogaaminayaan Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff ayaa si adag isku celiyay arbacadiisii labaad wuxuuna keenay qiyaas ahaan 11 crore asigoona ay macquul tahay inuu gaaro 12 crore.

Filimka WAR ayaa isbuuciisii 2aad gudo galay wuxuuna maanta sameeyay 40% ilaa 45% hoos u dhac markii lala barbardhigo jimcadiisii koowaad waana hoos u dhac la aqbali karo waxayna tani cadeyn u noqotay in filimkaan uu si fudud ku dhaafi doono lacaga filimka Kabir Singh ee bartamihii sanadkaan soo baxay.

Filimka Kabir Singh ee uu hogaamiyaha ka yahay Shahid Kapoor ayaa keenay 276 crore balse filimka WAR ayaa lacagtaas si fudud ku dhaafi doono isbuuciisa labaad.

Filimka WAR ayaa haatan mudo 8 maalmood kusoo xareeyay lacago dhan 218 crore wuxuuna isbuuciisa la dheereeyay gaari karaa 227 crore maadaama filimkaan maalin arbaco ah tiyaatarada la saaray.

Filimka WAR ayaa haatan si fudud ku noqon doono filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay sanadkaan waxaana la is weydiinayaa su’aasha ah hadii uu noqon doono filimka lacagaha ugu badan abid soo xareeyay balse su’aashaasi waxay ku xirnaan doontaa sida uu filimkaan isku celiyo jimcadiisa 2aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here