Filimka WAR ayaa isbuuciisa sadaxaad si adag isku celiyay asigoona keenay 19.50 crore wuxuuna sameeyay hoos u dhac 60% markii lala barbar dhigo isbuuciisa labaad waana arin macquul ah.
Filimka WAR isbuuciisa 4aad tiyaataro xadidan ayaa la saari doonaa maadaama filimo waaweyn tiyaatarada loo wareejin doono waana isbuuc mashquul badan maadaama fasaxa hinduuga ee Diwali tahay.
Sidaas oo ay tahayna filimka WAR muhiimadiisa waqti hore ayuu gaaray asigoona mudo sadax isbuuc ku noqday Blockbuster sida ay sheegtay shabakada Box Office India WAR ayaa haatan darajo ahaan Blockbuster ah.
Hadaba halkaan kaga bogo mudo sadax isbuuc filimka WAR lacagaha uu keenay;
Isbuucii koowaad; 225.38 crore.
Isbuucii labaad; 46 crore.
Isbuucii sadaxaad; 19.50 crore.
Wadarta guud; 290,88 crore.