Filimka WAR oo jimcadiisa koowaad is celiyay iyo qiyaas ahaan lacagaha uu soo xareeyay.

0
1048

Filimka WAR oo ay hogaamiye ka yihiin Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff ayaa maalintiisa sadaxaad si adag isku celiyay waliba ayadoo maalin shaqo tahay wuxuuna qiyaas ahaan jimcadiisa koowaad keenay lacagaha u dhaxeeyo 21 crore ilaa 21.50 crore waana ganacsi heer sare.

Filimka WAR oo maalintiisa koowaad feesto qaran jirtay keenay 51.50 crore ayaa shalay hoos u dhac 55% sameeyay maadaama shalay maalin shaqo aheyd maantana si adag ayuu isku celiyay asigoona kaliya sameeyay

WAR maanta wuxuu sameeyay 10% hoos udhac waana mid la aqbali karo maadaama bari oo sabti ah iyo axada oo maalin nasasho ah la filaayo inuu ganacsiga filimkaan kor u kaco daawadayaal badana usoo daawasho tagaan waxaana xusid mudan in tiyaatarada loo badiyay maadaama dadweynaha aad uga heleen.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimka WAR sadaxdiisa maalin ugu horeyso lacagaha uu keenay;

Arbaco 51.50 crore. Fasax qaran.

Khamiis 22.50 crore.

Jimce 21 crore.

Wadarta guud 95 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here