Filimka WAR qabasho malahan asigoona talaadadiisa koowaad rikoor taariikhi ah dhigay. Kan ma hakanaayo.

1
1320

Inaba caadi ma ahan lacagaha uu keenay filimka WAR talaadadiisa koowaad asigoona la yimid 27 crore wuxuuna sameeyay 30% kor u kac ah markii lala barbardhigi maalintii shalay aheyd oo uu filimkaan keenay 20.50 crore.

Filimka WAR ayaa kamid noqday filimada talaadadooda koowaad lacagaha ugu sareeyo keeneen waxaana haatan ka sareeyo kaliya filimada  Bahabuli – The Conclusion iyo Sultan.

Filimka WAR ayaa haatan wadarta guud ee lacagtiisa noqotay 206 crore waana rikoor taariikhi ah ayadoona filimkii ugu dambeeyay ee isbuuciisa koowaad gaara darajada 200 crore uu ahaa filimka Sanju.

Flimka WAR ayaa haatan isbuuciisa koowaad ku noqday filimka 3aad ee lacagaha ugu badan sanadkaan soo xareeyay waxaana ka sareeyo kaliya filimada Kabir Singh iyo filimka Uri-The Surgical balse maalmo kooban ayuu ku dhaafi doonaa.

Filimka WAR maalinta bari hubaal hoos u dhac ayuu sameyn doonaa blasé jawiga uu filimkaan ku jiro waa mid dagan mana la filaayo inuu hoos u dhac weyn sameyn doono.

WAR sida uu haatan ku socdo iyo xaalkiisa waxaa laga qiyaas qaadan karaa inuu noqon doono Blockbuster weyn waana guul taariikhi ah oo usoo hoyatay Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here