Home » Avengers - Infinity War » Filimka weyn ee Hollywood-ka ah Avengers – Infinity War iyo mudo sedex todobaad ah ganacsigiisa gudaha Hindiya

Filimka weyn ee Hollywood-ka ah Avengers – Infinity War iyo mudo sedex todobaad ah ganacsigiisa gudaha Hindiya

Filimka weyn ee Hollywood-ka ah Avengers – Infinity War ayaa keenay 16 Crore todobaadkiisa sedexaad taasi oo ka dhigan wadarta guud mudo sedex todobaad ah inuu soo xareeyay 219 Crore (Trade Figure).

Avengers – Infinity War waa Blockbuster-ka ugu weyn ee gudaha Hindiya sanadkaan laga daawado madaama macaash waali ah laga helay inkastoo Padmaavat isagana Blockbuster noqday haddana miisaaniyaad xoogan ayuu xambaarsanaa halka filimkaan kooxda cajaladaha qeybiyaan miisaaniyad dhex dhexaad ah gudaha Hindiya ku saareen.

Avengers – Infinity War xitaa waa Blockbuster-ka ugu weyn Hindiya oo dhan madaama uusan jirin filim goboleed Telugu ama Tamil oo Blockbuster sidaan u weyn noqday sanadkaan 2018, waana arin ku ceeb ah fanka Hindiya noocyadiisa kala duwan oo dhan.

Fadlan hoos kaga bogo Avengers – Infinity War mudo sedex todobaad ganacsiga uu gudaha Hindiya ka sameeyay sida shabakada BOI soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 156.52 Crore

Todobaadka labaad – 46.93 Crore

Todobaadka sedexaad – 15.75 Crore

Wadarta Guud – 219.20 Crore (Trade Figure)