Filimka weyn RRR waxaa Director ka ah SS Rajamouli oo ku caan baxay Bahubali labadiisa qeybood sidoo kalena waxaa hogaamiyaal ka ah Ram Charan iyo Jr. NTR halka Ajay Devgn iyo Alia Bhatt doorar muhiim ah ku leeyihiin sidoo kalena mashruucan 70% shaqadiisa waa la qabsatay balse wax walbo waxay hakad galeen saameynta Karoono oo sababtay in filimkan duubistiisa dib u dhac xoogan ku imaado.

Haatan waxaan idiin heynaa aqbaar xiiso badan oo ku saabsan filimkan RRR balse waxay gaar u tahay NTR oo la sheegay 6-waji oo kala duwan inuu mashruucan kusoo bandhigi doono ilaa iminkana wuxuu duubay labo waji oo gaar ah wuxuuna dhawaan amba qaadi doonaa duubista 4-waji ama muuqaalo oo kala duwan oo uu filimkan weyn kusoo bandhigi doono.

NTR ayaa filimka RRR ku matalaayo doorka Komaram Bheem oo ah dagaal yahan la dagaalamayo gumeysigii Ingiriiska markii ay Hindiya awood ku heesteen xiligii 1920-aadkii waxaana sidoo kale la xaqiijiyay in Tarak ama NTR miisaankiisa wax badan ka riday si uu filimkan dagaalka seefaha, farda fuulka iyo orodka is bursiga 100% kaga run sheego.

Sidoo kale waxaa la sheegay filimkan in NTR mararka qaar waji tuug sameesan doono marna waji burcad halka marar kalena uu waji dagaalyahan xurnimo u dirir ah sameesan doono xitaa waxaa la sheegay inay Ram Charan shaashada ku wada dagaalami doonaan balse ugu dambeyntii u midoobi doonaan la dagaalanka gumeysiga Ingiriiska waxaana garab weyn doono Ajay Devgn oo isagana dagaal yahan kale oo awood badan mashruucan ku jilaayo.

Qorshaha wuxuu ahaa filimka RRR in la daawado 8 Jan 2021 balse haatan suurta gal ma noqon doono madaama 30% duubistiisa harsan tahay kadibna shaqo xoogan la qaban doono dhanka faaf reebista iyo tayeenta ayadoo la adeegsanayo aalada VFX oo muuqalada filimada lagu tayeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here