Filimka Hollywood-ka ah Wonder Woman 1984  ee sida weyn loo sugaayay bilaabasho wanaagsan suuqyada caalamka kama sameynin weliba si gaar ah suuqa China oo la islahaa filimkan wacdaro ayuu ka dhigi doonaa uma suura galin wuxuuna ka keenay $6.5m waxaana kaga saameyn badan filimka China laga leeyahay The Rescue oo tiyaatarada heesto.

Marka hore waxaa la qiyaasayay in filimka Wonder Woman 1984 suuqa China ka keeni doono $50m sedexdiisa maalmood ugu horeyso balse haatan midaas suura gal ma ahn sida uu ku bilaawday awgeed haddii $25m uu gaaro wuu nasiib badan yahay sedexdiisa maalmood ugu horeyso.

Filimka Wonder Woman 1984 waxaa tiyaatarada gudaha Mareekana iyo Hindiya laga daawan doonaa Jimcadan nagu soo fool leh ayadoo la rajeenayo labadan suuq inuu wacdaro ka dhigo balse qof walbo waxaa la yaab ku noqotay in mashruucan gudaha China siweyn looga soo dhaweynin.

Filimka Wonder Woman 1984  waxaa hogaamiye ka ah atirishada lagu magacaabo Gal Gadot wuxuuna xambaarsan yahay mashruucan Super Hero-ga ah $200m waana lacag adag oo lagu kalsoon yahay xiliga fasaxa Christmas-ka iyo sanadka cusub labada todobaad nagu soo fool leh inuu lacagtaan soo celin karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here