Maanta oo kale 24 November 2006 waxaa la daawaday Filimka Blockbuster-ka weyn noqday ee Dhoom 2 kaaso ay hogaamiyaal ka ahaayen Hrithik Roshan, Abhishek Bachchan, Aishwarya Rai, Uday Chopra iyo Bipasha Basu waxaana iska leh mashruucan Yash Raj Filims halka Sanjay Gadhvi uu Director ka ahaa fadlan hoos kaga xaqiiqooyin u gaar ah Dhoom 2 oo maanta u dabaal dagaya sanad guuradiisa xiliga la daawaday 13 sano laga joogo.

Xaqiiqada 1-aad: Waa Filimkii ugu horeeyay ee dalka Brazil lagu duubo mana jiro mashruuc ka horeeyay Dhoom 2 oo Brazil lagu duubay.

Xaqiiqada 2-aad: Muuqaalka Aishwarya Iyo Hrithik isku shuminayaan hadal heyn weyn ayuu abuuray iyo buuq badan maadama Aish xiligaas uu guursan rabay jilaaga caanka ah Abhishek Bachchan maqaal gaar ah ayaana ku sharaxeena arinkaan faah faahin dheerad ah u baahan.

Xaqiiqada 3-aad: Bipasha Basu mudo seddex maalmood ah ayee hal labis oo Oronjo ah xirneed waxay weysay dhar ay isaga bedesho marxalad adag oo ay dhexda ka galeen kooxda aawged waana kahor inta aysan duubin muuqaalka dharka Bikini loo yaqaan.

Xaqiiqada 4-aad: Waa Filimka kaliya abid Hrithik Roshan iyo Bipasha Basu isla jileen.

Xaqiiqada 5-aad: Hrithik Filimkaan waxuu ku qaatay abaal marinta Filimfare qeybta atooraha ugu wanaagsan waana markii seddexaad uu xiligaas ku guulestay.

Xaqiiqada 6-aad: Duubista Filimkaan dib ayee udhacday kadib roobab mahiigaan ah oo waxyeelo u geesteen shirkada caanka ah Yash Raj Filims meesha ay Mumbai kaga tiilay intii dib udhis iyo habeyn lagu waday ayaa laga mashquulay Dhoom 2.

Xaqiiqada 7-aad: Muuqaalka u dambeyo Filimkaan ee Hrithik iyo Abhishek mootooyinka isku bursanayaan waa fikir gadaal looga daray markii hore qorshaha kuma jirin Aditya Chopra iyo Director Sanjay ayaa is tuseen in 2004 Dhoom uu ku gadmay muuqaalada Mootooyinka si lamid ahna qeybtaan aan kudarno muuqaalo mootooyin la isku bursanaayo ayee isdhaheen.

Xaqiiqada 8-aad: Aditya Chopra waxuu Aishwarya ku amray inee si dhaqsi ah isku caateyso oo ay miisaankeeda ku rido maadama xiligaas ay cayshay dadaal badan kadib wey ku guuleysatay.

Xaqiiqada 9-aad: Waa Filimkii u dambeyay ee Aish magaceeda loogu yeero “Aishwarya Rai” kadib Filimkaan Abhishek ayaa guursaday magaceedana wuxuu noqday “Aishwarya Rai Bachchan.”

Xaqiiqada 10-aad: Muuqaalka Abhishek Bachchan shilinka lasoo baxaayo ee uu dhahaayo aabahay markee arin ku eareerto shilinkaan ayuu isticmaali jiray xarash iyo madax ahaan, xaqiiqdi aabihiis Amitabh Bachchan Filimka Sholay ayuu shilin isticmaali jiray marwalba oo isaga iyo Dharmendra is qabsadaan.

Xaqiiqada 11-aad: Priyanka Chopra waxaa loo bandhigay doorka Shonali Bose balse wey iska diiday waana doorka Bipasha Basu markii dambe qaadan doonto.

Xaqiiqada 12-aad: Sushant Singh Rajput waxuu kamid ahaa wiilasha Hrithik Roshan gadaashiisa ku ciyaarayeen heeska Dhoom Machaale Dhoom marka HR qaadaayo.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here