Home » Nolosha Jilaayaasha » Filmada Ilaa Hada Lahubo Ee Super Star Hritk Roshan La Imaan Doono Sanadaha 2018-2019!!

Filmada Ilaa Hada Lahubo Ee Super Star Hritk Roshan La Imaan Doono Sanadaha 2018-2019!!

Super Star Hritik Roshan waa mid kamid ah halyeeyda Bollywoodka lagu faano inkastoo xidigan sanadadii dambe culees xoogan saaran hadana mashaariicda uu la imaan doono ayaa cadeyn u ah in uu awoodisa soo ceshan doono.

Hritik Roshan sanadkaan wuxuu la yimid kaliya hal film kaaso ah Kaabil inkastoo bandhig cajiib badan la yimid hadana xidigaan wuu ka guuldarestay filmkaan oo Below Averageayuu noqday Kaabil.

Balse sanadadan xiga mashaariic aan caadi aheyn ayuu la imaanaya xidigaan waxaana idiin heynaa ilaa iyo hada filmada HR uu la imaan doono sanadaha xiga inkastoo mashaariic wali aanan lagu dhawaaqin jiri karaan hadana kuwa lahubo ayaan idiin la wadaageynaa.

Super 30 – November 23, 2018:

Wa film uu oga hadli doono nolosha ninka lagu magacaabo Anand Kumar, filmkaan waxaa Director ka ah Vikas Bahl waxaana qorshaha yahay in la daawan doono 23 Nov 2018.

Filmka Yash Raj Films Ay Iska Leeyihiin Balse Aanan Magac Loo bixinin Wali:

Filmkaan oo ay maalgalin doonto Shirkada Yash Raj Films oo uu madax ka yahay Aditya Chopra ayaa waxa ku midoowi doonaan markii ugu horeysay Hritik Roshan iyo Tiger Shroff waana film weyn oo ay ku xifaaltami doonan xidigahan waxaabna la qorsheyay in la daawado 25 Jan 2019.

Krrish 4 – 2019:

Ugu dambeyn sanadka 2019 Hritik Roshan wuxuu la imaan doona taxanihiisa caanka ah ee laga daba dhacay Krrish kaaso u Director ka yahay aabihiisa Rakesh Roshan.

Wali taariikh cayiman looma qaban filmkaan balse waxaa la hubaa in la daawan doono 2019 waana film kamid ah aflaamta sida waalida ah loo sugaayo oo uu xidigaan hogaamiye ka yahay.

Akhriste Filmkee Ayaa Siweyn Usugeysa Aflaamta Korkuxusan Nala Wadaag……

 

 

2 Responses to Filmada Ilaa Hada Lahubo Ee Super Star Hritk Roshan La Imaan Doono Sanadaha 2018-2019!!

  1. Mohamad Reply

    December 4, 2017 at 5:13 pm

    Zxp Zakariye Abdi Zadiq khan Mahindi baa Diintese haystaa

    • Ali Aadan Reply

      December 4, 2017 at 5:35 pm

      Waa British wuxuuna heesta diinta islaamka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *