Filmka Black Panther Iyo Ganacsigiisa Daafaha Caalamka Halka Uu Maraayo!

Black Panther ayaa si heer sare ah ku gadmaayo waana mashruuc caalamka intiisa badan laga daawanayo ganacsi wacana Box-officeka ka sameynaayo.

Black Panther mudo 4 maalmod ah waxuu gudaha U.S iyo Canada ka keenay $235 Million oo dollar waana lacago waali ah, halka uu daafaha caalamka ka keenay $169 Million.

Iskudarka gudaha U.S iyo Canada oo lagu daray daafaha caalamka waa $404M (Worldwide) waana mashruuc hirgalay.

Waxaa xusid mudan in filmkaan sedexdiisa maalmod ee ugu horeysay uu ku keenay $370M iskudarka gudaha U.S iyo daafaha caalamka waxuuna sidaas ku noqday filmka 15aad lacaga ugu badan keeno taariikh ahaan balse hada darajo kale ayuuba sii hiigsanaya maadama maanta maalintiisa 5aad tahay ganacsi wacan ayaana laga filanaya.