Atariishada Janhvi Kapoor ayaa bilaawday duubista Filimka Good Luck Jerry. Aktarada ayaa la wadaagtay muuqaalka koowaad ee jadwalkeeda Punjab taageerayaasheeda. Laakiin, duubista filmka waxay kala kulantay carqalad markii koox mudaaharaadeyaal ah ee qaseen goobta lagu duubayay mashruuca.

Dibadbaxayaasha beeraleyda ayaa dalbanayeen inee codkeeda kulahadasho atariishada..ugu dambeena janhvi ayaa xalisay

Sarkaal ka tirsan booliska deegaanka ayaa sheegay in mudaharaadayaashu ay shaqaalaha u sheegeen in dadka caanka ah ee Bollywood aysan wax hadal ah ka soo saarin mudaaharaadka ama aysan taageero u muujin beeralayda. Markii loo xaqiijiyey in Janhvi kulan gaar ah layeelan doonto, dib ayey u noqdeen. Duubista ayaa sii socotay kadib markii Janhvi ay barteeda Instagram-ka kusoo bandhigtay taageeradeeda. “Beeraleydu waa udub dhexaadka dalkeena. Waxaan aqoonsanahay oo aan qiimeeyaa doorka ay ka ciyaaraan quudinta qarankeena. Waxaan rajeynayaa in dhowaan aan la gaaro xal waxtar u leh beeraleyda,” ayay qortay.

Kumanaan beeraley ah ayaa dibadbax ka dhigayey banaanka magaalada Delhi iyo waddooyinka waaweyn muddo ka badan laba bilood iyagoo kasoo horjeeda saddex sharci oo lagusoo rogay. Fannaaniinta Punjab iyo jilaayaasha bollywoodka kuwa raga ah ayaa taageero umuujiyay halka dumarki ee ka aamuseen waana sababta loogu banaanbaxay Janvhvi . Dhanka kale, Good Luck Jerry ayaa hogaamiye ka noqon doonta Janhvi Kapoor.

Waxaa lajilaya dad badan oo saameenleh sida Deepak Dobriyal, Meeta Vashishth, Neeraj Sood iyo Sushant Singh oo door muhiim ah ku leh. Jadwalka koowaad ee filimka ayaa la filayaa inuu sii socdo illaa bisha March. Waxaa soo saaraya filmka Subaskaran iyo Aanand L Rai,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here