Home » Nolosha Jilaayaasha » Filmsameye Karan Johar Ayaa Maalinta Barita Ah Xaflad U Dhigi Doono Dhalinta Doobka Ah Munaasabada Valentine’s Day Aawged!

Filmsameye Karan Johar Ayaa Maalinta Barita Ah Xaflad U Dhigi Doono Dhalinta Doobka Ah Munaasabada Valentine’s Day Aawged!

Waxaa la sheegay filmsameyaha caanka ah ee Karan Johar inuu maalinta barita ah ee taariikhda ku beegantahay 14 Febraayo dhigi doono xaflad heer sare ah.

Xafladan waxa uu u dhigi doona dhalinta doobka ah ee aan wali guursan waana maalinta jaceylka aduunka sida ay sheeganba waxaana warkaan soo tabiyeen wargeyska Mumbai Mirror.

Sida sanadkii hore oo kale ayuu xidigaan agaasmi doona xaflad heer sare ah sida qorshihiisa ah wararkana sheegen waxaan xasuusana in sanadki hore ay kasoo qeyb galeen xafladii xiligan oo kaleuu sameyay xidigo ay kamid yihiin Sushant Singh Rajput, Malaika Arora Khan, Sonakshi Sinha, Katrina Kaif, Arjun Kapoor, Shraddha Kapoor, Harshvardhan Rane Sara Ali Khan iyo kuwa kale.

Haatana waxaa la filaa xaflad ka wanaagsan tii hore inuu dhigi doono waa hadii wararkaan xaqiiq noqdaan waxaan idiin la wadaagi doona xidigaha kasoo qeyb gali doonan xafladan xanteda socoto…

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *