Filmsameye Karan Johar Oo Shaaca Ka Qaaday Waxa Dhaca Marka Atoorayaasha Filmadiisa Diidan Inee Sameyaan!

Yaa diid kara Filmsameye Karan Johar film uu Director ka yahay sababto ah waa mid kamid ah Directors-ka ugu caansan India iyo kuwooda ugu tayada wanaagsan sheekada aflaamta.

Sidaas ay tahay Karan ayaa shaaca ka qaaday dhowr jeer in qaar kamid ah atoorayaasha Bollywoodka ay iska diiden mashaariicdisa sido kalena ka cudur daarten inesan sameyn Karin.

Johar ayaa saxaafada u sheegay waxa uu dareemo marka atoorayaasha aflaamtisa diidan waxuuna yiri,” Xaqiiq ahaan kama xanaaqo marka ay atoorayaasha filmadeyda diidan balse waxaan ogahay atoorayasha ugu waaweyn ee India qaar kamid ah inee filmadeyda diiden sameyntoda.”

“Balse saas eetahay waxaa xaqiiq ah hadana inaan dhamaan hogaamiyasha atoorayasha aan lasoo shaqeyay waxaan xasuusta Saif Ali Khan inuu iska diiday filmka Kapoor And Sons waxana doorkisa qaatay Fawad Khan oo si heer sare ah u jilay mana ilaawi karo Farhan Akhtar sida cajiibka ah ee uu u jilay doorki Milkha Singh ee uu marki hore Akshay kumar iska diiday.”

Karan waxuu ka hadlaaya filmada uu Director iyo Producer ba uu ka noqday ama uu qarash gareyay kuwaaso qaar kamid ah atoorayaasha iska diiden balse qofkii diido xidigaan film uu iska leeyahay ama Director ka yahay qofkaas film weyn ayaa gafay dabcan..