Home » Box Office » Firangi 5-maalmood ganacsiga uu sameeyay wuxuu la eg yahay Kapil Sharma filimkiisii 1-aad Kis Kisko Pyaar Karoon hal maalinta lacagta uu ku keenay!

Firangi 5-maalmood ganacsiga uu sameeyay wuxuu la eg yahay Kapil Sharma filimkiisii 1-aad Kis Kisko Pyaar Karoon hal maalinta lacagta uu ku keenay!

Boxoffice-ka marnaba lama sadaalin karo madaama filimka Firangi ee shactiroole Kapil Sharma hogaamiye ka yahay uu siweyn u fashilmay.

Arinka lala yaabay ayaa ah Firangi mudo 5-maalmood lacagaha uu keenay wadar ahaan inuu la egyahay Kapil Sharma filimkiisii kowaad Kis Kisko Pyaar Karoon maalinta kowaad lacagaha uu keenay!

Filimka Firangi Talaadadiisa kowaad wuxuu keenay 85 Lakh (Trade Figure) sidoo kalena mudo shan maalmood ah wuxuu soo xareeyay 8.15 Crore (Trade Figure) lacagtaas filimkii Kis Kisko Pyaar Karoon maalintiisa kowaad ayuu keenay halkaas ayaa tusaale kuugu filan sida filimka Firangi u guul dareestay.

Fadlan hoos kaga bogo Firangi mudo 5-maalmood ah lacagaha uu keeneya ayadoo filimkaan todobaadkiisa kowaad 9.75 Crore keeni doono:

Jimco – 1.80 Crore

Sabti – 2 Crore

Axad – 2.50 Crore

Isniin – 1 Crore

Talaado – 85 Lakh

Wadarta Guud – 8.15 Crore (Trade Figure)

Dhinaca kale Sunny Leone iyo Arbaaz Khan filimkooda Tera Intezaar ayaa mar hore iska quustay wuxuuna mudo 5-maalmood ah soo xareeyay 1.75 Crore (Trade Figure) waxaana muuqato todobaadkiisa kowaad inuusan 2 Crore ka badan keeni karin.

Fadlan hoos kaga bogo Tera Intezaar mudo 5-maalmood ah ganacsiga uu sameeyay:

Jimco – 40 Lakh

Sabti – 45 Lakh

Axad – 50 Lakh

Isniin – 20 Lakh

Talaado – 20 Lakh

Wadarta Guud – 1.75 Crore (Trade Figure)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *